10/1/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Daacishta Soomaaliya oo billowday qorshe ay ku doonayso inay ku askarayso dadka Itoobiyaanka

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo saartay muuqaal 25 daqiiqo soconayo oo ku qoran afka Amxaariga, kaasoo ay ku doonayaan inay ku qortaan dadka kasoo jeeda Itoobiya.

Saddexdii muuqaal ee ugu dambeeyay ee ay sii daysay ISIS waxay dhammaantood ku qornaayeen luqado aan Carabi ahayn.

Muuqaal 14-kii Juun ay samaysay Daacishta Galbeedka Afrika (ISWAP), 2 fiidiyoow kasoo baxay Ciraaq oo ku baxayay afka Kurdishka, iyo muuqaalkan cusub ee ku qoran af Amxaariga, waxay qeyb ka yihiin billowga taxanayaal ay doonayaan in ay qortaan dad aan Carab ahayn.

Daacish oo ka faa’idaysanaysa colaada ka jirta dalka Itoobiya waxay doonaysaa in dadka Itoobiyaanka ah ee kasoo cararaya colaadaas, ee soo aadaya Soomaaliya, ay u qorato askar, si ay uga qeyb qaataan howlgalladooda Soomaaliya.

Tirada dagaalamayaasha Daacishta ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 200, kuwaas oo badi ku sugan, gabbaadna ka dhigta dhulka buuralayda ah ee gobolka Bari ee Puntland.

Muddooyinkii ugu dambeeyay, Daacish waxay askaraynaysay dadka kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, kuwaas oo ku sugan magaalada Boosaaso iyo meelo kale oo kamid ah Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in ay jiraan dad badan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ku biiray ururada Alshabab iyo Daacish, waxayna qaar kamid ah kusoo qabteen howlgalo dhawaan ka dhacay gobolka Bari.












Click here
8/7/2022 11:00 AM EST
Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku soo baxaan maalinta Khamiista ee 11 bishan.

8/7/2022 9:14 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigtay afar nin oo kasoo jeeda Oromada dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeysay inay ahaayeen shabakabad katirsan Daacish.

8/7/2022 7:55 AM EST
Axad, Ogosto, 7, 2022 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa mar kale xukuumada u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii.

8/7/2022 5:45 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku meel mariyay Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

8/7/2022 5:36 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar.

8/7/2022 3:15 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta fadhi ka yeelanaya cod u qaadista kalsooni siinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre uu dhawaan soo magacaabay.

8/7/2022 2:28 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Dowladdaha Uganda iyo Soomaaliya ayaa magaalada Kampala ku kala saxiixday heshiis is-garad ah oo ku saabsan iskaashiga difaaca.

8/7/2022 2:14 AM EST
Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka Shabakada HOL ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay haatan duqeymo culus ka wadaan deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.