4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Diyaarado dagaal oo haatan duqeymo ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka Shabakada HOL ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay haatan duqeymo culus ka wadaan deegaano hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in haatan duqeymaha ay ka geysanayaan deegaanada Qabno iyo Buurta Surtaag oo ah deegaano hoostaga degmada Matabaan ayaa la rumeysan yahay iney leedahay dowladda Itoobiya oo dhawaan duqeymo noocaan oo kale ah ka geystay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan.

Duqeynta diyaaradaha ayaa lasoo sheegaya in si gaar ah uga dhacday Saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin Buurta surtaag iyo Qabno, waxaana la tilmaamay in diyaaradaha duqeynta geystay ay joog hoose ku socdeen, dadka deegaanka waxay sheegeen in weli maqlayo jugta qaraxyada madaafiicda ay tuurayaan diyaaradaha Itoobiya ee duqeymaha geysanaya.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee dowladda Itoobiya deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana sii kordhaya cabsida ay qabaan dadka ku nool deegaanada hoostaga degmada Matabaan oo ay markii labaad mudo kooban gudaheed diyaaradaha Itoobiya duqeymo culus ka geysanayaan deegaanadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]