4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Hargaysa: Nin dhintay kadib markii uu dab is qabad siiyay
 

Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Nin ayaa ku dhintay xaafada Jigjiga-yar ee magaalada Hargaysa, kadib markii uu dab is qabadsiiyay, sida Ciidanka Dab-damiska Somaliland sheegay.

"Alle haw naxariistee waxaa maanta abaaro 1:00 duhurnimo ku Geeriyooday xaafada Jigjiga yar nin lagu magacaabo Axmed Nuur Sheekh Muumin, marxuumkaasi oo dab is qabadsiiyay" ayaa lagu yidhi warbixinta dab-damiska.

Dab-damisku waxay sheegeen in ninka dhintay oo qabay xanuunka dhimirka, isla markaana ka yimid qurbaha, uu isku soo xidhay guri uu ka daganaa xaafada Jigjiga-yar ee magaalada Hargaysa, kadibna uu dab is qabadsiiyay.

Lama oga sababta keentay in Muumin uu is gubo, waxaana dhacdadan baadhisteeda gacanta ku haya, ciidamada booliiska iyo ciidanka dambi-baadhiska ee CID-da, sida dab-damisku sheegay.

Ciidanka dabdamiska ayaa warbixintooda ugu danbayn bulshada ugaga digaya in aan caruurta iyo dadka maskaxda ka jiran lagaga tagin guri cidlo ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]