4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Madaxweyne Deni oo magacaabay taliyayaasha ciidamada Daraawiishta iyo Asluubta

Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Madaxweyne Deni, ayaa magacaabay taliyayaasha ciidamada Daraawiishta, Asluubta, iyo sidoo kale ku xigeennadooda, sida lagu sheegay wareegto goor dhowayd kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) ayaa loo magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, halka Sareeye guuto Xuseen Faarax Aadan loo magacaabay abaanduulaha ciidanka Daraawiishta.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale taliyaha ciidanka Asluubta iyo xabsiyadda u magacaabay, sareeye guuto, Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), sidoo kale, sareeye guuto Cabullaahi Cismaan Liibaan ayaa loo magacaabay ku xigeenka koowaad Asluubta.

Halka sareeye guuto Cabdulqaadir Axmed-kheyr loo magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee Asluubta.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday iyadoo la filayay inuu madaxweyne Deni isbeddel ku sameynayo taliyayaasha iyo hoggaanada ciidamada.