4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Al-shabaab oo dagaal culus kula wareegtay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde oo magaalada Baledweyne dhinaca Galbeed kaga beegan qiyaas ahaan ilaa 60 KM ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Maanta deegaankaasi la wareegeen, kadib dagaal culus oo halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ay deegaankaasi ku lahayeen ciidamada Macawiisleeyda ee Al-shabaab kula dagaalama deegaanada gobolka Hiiraan.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo Macawiisleeyda ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo sheegaya inuu geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray.

Dadka deegaankaa Ceelcadde ayaa bilaabay iney isaga barakacaan deegaanka, maadama ciidanka Macawiisleeyda ee laga saaray deegaanka Ceelcadde aysan ka fogeyn deegaanka, islamarkaana la filan karo in mar walba ay dib ugu soo rogaal celiyaan gudaha deegaanka oo haatan ku sugan yihiin Al-shabaab.

Mudooyinkii dambe waxaa si weyn usoo kordhaayay dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada loo yaqaano Macawiisleeyda oo ah ciidamo deegaanka ah oo kasoo horjeeda hab dhaqanka Al-shabaab, kuwaas oo go'aansaday iney dagaalamaan.