4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo shir uga qeyb galay dalka Tunisia oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay


Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaamjnaayay oo magaalada Tunis ee dalka Tunisia uga qeyb galay shirka Tokyo ee horumarinta Qaaradda Afrika ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Raysal wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka mid ah Golahiisa wasiiradda, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Rayaal wasaaraha Soomaaliya maalmaha uu joogay dalka Tunisia uu la kulmay masuuliyiin kala duwan oo ka qaybgashay shirka TICAD8 iyo madaxda waddanka ee martigelisay shirka.

“Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirka 1-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa madaxdii uu la kulmay waxa uu kala hadlay in ay ka gacansiiyaan dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, xaaladaha bani'aadamnimo iyo taageerista dowladda Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intii uu socday shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika waxa uu la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay shir madaxeedka, isagoo ka jeediyay shirka khudbad taabanaysay dhinacyo kala duwan sida amniga, abaarta, cunto yarida, isbeddelka cimillada iyo saameynta ay keentay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.