4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Turkiga oo doonaya inuu wax ka beddelo qorshihiisa tababarada ciidamada Soomaaliya

Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa doonaysa inay ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyo dalkeeda muddo lix bil illaa hal sano waqtigooda ku qaataan barashada luuqada dalkaas.

Sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee Anadolu, isbeddalkan ayaa lagu billaabayaa ciidamada Turkigu hadda u tababaridoono Soomaaliya, si looga dhiso ku hadalka luuqada dalkaas, oo ay horey cabaqad uga taagnayd.

Dhibaatada dhanka luqadda ah ee soo wajahday askarta Soomaalida ah ee Turkiga ku tababbaranaysa iyo in macallimiinta Turkiga aysan ku hadli karin Ingiriis ku filan ayaa laga yaabaa inay door ka ciyaareen ballaarinta waxbarashada luqadda Turkiga.

Turkiga ayaa loo diraa ciidamo Soomaali ah, si ay tababarada kumaandooska ugusoo qaataan xarunta tababarka la-dagaalanka argagixisada ee ku taal galbeedka magaalada Isparta.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Turkiga, Turkigu wuxuu tababaray ku dhawaad 5,000 oo askari iyo saraakiil Soomaali ah waqtiyo kala duwan, taasoo ka dhigan qiyaastii saddex meelood meel kamid ah ciidamada Soomaaliya.

Qorshahan luuqada Turkiga lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya ayaa qeyb ka ah hiigsiga Turkigu ku doonayo inuu ballaariyo saameyntiisa siyaasadeed iyo milatari ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika.