4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed oo faahfaahin ka bixiyay sababaha ay u joojiyeen wadashaqentii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda dowladda dhexe
 

Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Iyadoo Xalay Wasaaraddaha Maaliyadda maamul goboleedyada dalka ay soo sareen go'aan ay ku mideysan yihiin oo ah iney joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa arinkaasi waxaa faahfaahin rasmi ah ka bixiyay wasiirka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Xuseen.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka uu ku dhaqaaqay talaabooyin dhowr ah oo horseeday in ay joojiyaan wadashaqeyntii ka dhaxeysay Wasaaraddaha Maaliyadda maamul goboleedyada, Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

"Waxaan walaac ka qabnaa hannaanka wada shaqeyn ee dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo dhinac martay hannaan lagu shaqeynayay oo lagu heshiiyay, Wasaaradaha Maaliyadda kama shaqeeyaan siyaasadda balse waxa ay xoogga saaraan hagaajinta maaliyadda iyo deyn cafinta. Wasiirka cusub ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka waxaan ka dareenay oo aan ku aragnay in uu si toos ah u baalmaray waxyaabihii aan ku heshiinay, isaga oo aan shaqada la qabsan ayuu gacan bidixeys ku sameeyay maamul goboleedyada, waxaana jira heshiisyo qoran oo gudaha iyo dibadda aan kula galnay dowladda Federaalka” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Xuseen.

Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya uu kaligiis ku dhaqaaqay shaqoyin loo baahnaa inuu kala tashado maamul goboleedyada dalka isagoon wax tixgalin ah siinin Wasaaraddaha Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, taasina ay keentay iney joojiyaan Wasaaraddaha Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka wadashaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda dowladda dhexe ee dalka.