4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
Wasaaraddaha maaliyadda dowlad goboleedyada oo hakiyay wada shaqayntii wasaaradda maaliyadda Soomaaliya
 

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa joojiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Kulan fogaan-arag ah oo ay yeesheen wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa waxay ku eedeeyeen wasaaradda maaliyadda dowladda federalka inay ka baxday heshiisyadii hore.

Wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada waxay sheegeen in wasaradda maaliyadda ee heer federal ay si bareer ah ujebisay heshiisyadii 2019 illaa 2020.

Waxay ugu baaqaeen in wasaaraddu kusoo laabato xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii hore sida lagu sheegay bayaanka ay soo saareen.