4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
Xukuumada Somaliland oo ganafka ku dhufatay soojeedintii guddida ganacsatada
 

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa diiday soojeedintii guddida ganacsatada ee isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashada, iyadoo ku sheegtay in ay ka shaqaynayeen danaha xisbiga Waddani.

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Guddaha Somaliland Cabdillaahi Xuseen Maxamed, oo waraysi gaar ah siiyay Horyaal TV, ayaa sheegay in sharciga Somaliland aanu ogolayn in la israaciyo doorashooyinka urrurada iyo madaxtooyada.

"Odayaashu dee niman siyaasiyiin ahna maaha, niman xeerarka iyo dee garyaqaanana maaha, markaa wax ayay ula muuqatay, waxbay soojeediyeen ... hadii lagu jiro heerkii urrurada la kala saarayay, isla markaana doorashadii madaxweynaha hala qabto oo ha laysku sidko arrin shuruucdeenu ay ogoshahay maaha" ayuu yidhi wasiir Xuseen.

Wasiirka ayaa dhinaca kale badanka xubnaha guddida ganacsatada ku eedeeyay in ay kamid yihiin xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo ay danihiisa ka shaqaynayeen.

"Horta ganacsatadu waa niman wanaagsan oo waa niman odayaal ah, lakiin 5 nin ayaa dee Waddani ahaa oo anigu aan u haystaa in ay Waddani yihiin" ayuu yidhi wasiir Xuseen.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in ganacsatadu ay soojeediyeen in lagu dhaqmo sharciga lakiin, ay la tashadeen garyaqaano u olloleeya xisbiga Waddani, sidaa darteedna ay talo qaloocani usoo baxday.

Ilaa hada labada, xisbiyada mucaarad ah ee UCID iyo Waddani ayaa si buuxda u soo dhaweeyay soojeedinta guddida ganacsatada halka urrurada cusub iyo xukuumada Somaliland deedifeeyeen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]