4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
Guddoomiyaha Maareynta Musiibooyinka "Maxaad ku qaban kartaa raashin diyaarad lagu qaaday oo calaa diyaarad kumanaan dollar lagu kiraynayo"

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha hay'adda maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, Maxamuud Macalin ayaa muujiyay culayska dhaqaale ee ka taagan raashinka gargaarka ee diyaaradaha lagu daabulo, si loo gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolada dalka.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa sheegay in qarash aad u xooggan uu dowladda uga baxo raashinka diyaaradaha lagu daabulo. Wuxuu sheegay gargaar dhowaan loo qaaday magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburte in ay ku baxday lacag gaaraysay $26,000.

“Afar diyaaradood ayaa la raray. Labo Buuloburte ah iyo labo Baladweyne ah. $6,500 ayay calaa diyaarad ku qaaddaysay. Raashinka Afartaas diyaaradood kama badna gaari ku rimoor ah. Maxaad ku sameyn kartaa raashin diyaarad lagu qaaday?” ayuu yiri Maxamuud Macalin.

Raashin gargaar ah oo ka badan kun tan oo dhowaan dowladda Imaaraatku geysay Muqdisho ayay dowladda Soomaaliya caqabad weyn ka tahay in loo helo qarashkii lagu daabuli lahaa. mararka qaar waxaa dhacdo in gargaarka uu ka bato qarashka diyaarada lagu saaray.

Dad labo malyan ah ayaa ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya. Sidoo kale in ka badan 7 malyan ayay abaartu saameyn ku yeelatay, iyadoo cabsi weyn laga qabo in xaaladda abaartu ay sii dheeraato.