4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshiid

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  qarax Xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Siyaasadda degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Macalin Xuseen  Filaweyne.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degamada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir uu ahaa qarax loogu xiray gaarigiisa, xili uu ku sugnaa xaafada Buulo maaxaay ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste dilka guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa xaqiijiyay xubno ka tirsan maamulka degmada Yaashqiid oo tilmaamay in marxuumka kursiga gaarigiisa loogu xiray qaraxa miino ee sababay inuu u dhinto.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa kadib gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay goobta, hayeeshe maysan sheegin ilaa hadda cid loo soo qabtay dilka guddoomiye ku xigeenkii Siyaasadda degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.