4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
Sacuudi Carabiya oo billowday wajigii labaad ee gargaarka Soomaaliya oo ku kacaya ku dhawaad $13 million oo dollar
 

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ee dalka Sacuudiga ayaa daah furtay wajigii labaad ee gurmadka degdega ah ee loo fidinayo Soomaaliya si loo yareeyo saameynta abaarta.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in lacag ku dhow $13 million oo dollar ku garab istaagayso dadka dhibaataysan iyo kuwa u baahan bini’aadantinimo iyo sii wadida dowrka ay ku leedahay ka hortagga macluusha Soomaaliya.

 “Annaga oo ka duulayna awaamiirta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ah in la garab istaago dadka tabaalaysan ee dalalka walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, waxaan daah-furnay wajigii labaad ee gargaarka deg-degga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Boqor Salmaan.

lacag dhan 47.214 milyan oo ah lacagta Riyaalka una dhiganta $12.9 milyan oo dollar ayuu Sacuudigu ku taageerayaa barnaamijyada cuntada iyo nafaqeynta carruurta, iyo in biyo iyo hoy la siiyo barokacayaasha abaaraha.

Wajigii koowaad ee taageerada Sacuudiga oo lagu qiimeeyay lacag dhan 7.18 milyan, ayaa gacan ka geystay wax ka qabashada macluusha iyo saameynteeda.