4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 30, 2022
TPLF oo beenisay inay qabsadeen magaalada Weldiya ee gobolka Amxaarada
 

Talaado, Agoosto, 30, 2022 (HOL) - Afhayeenka kooxda TPLF Getachow Reda ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadoodu ay qabsadeen magaalada Weldiya oo ku taalla gobolka Amxaarada ee ay deriska yihiin Tigray.

Maalinimadii shalay ayay warbaahinada qaarkood waxay tabiyeen in magaaladan Waldiye ay qabsadeen kooxda TPLF, balse warkaa waxaa beeniyay Getachow Reda, Afhayeenka kooxda TPLF.

Sidoo kale dowlad degaanka Amxaarada ayaa iyaguna beeniyay warka hore ee ah inay kooxda TPLF qabsadeen magaalada Weldiya, iyagoo soo xiganaya hoggaanka nabadgalyada ee magaaladaas oo Warbaahinta la hadlay.

Magaalada Weldiya ayaa ah magaalo muhiim ah oo ku taal degaanka Amxaarada, una jirta Addis Ababa qiyaastii ilaa 300 oo Kiiloomitir, waana magaalo uu maro jidka isku xidha Addis Ababa ilaa Mekelle.

Toddobaadkii hore ayuu dib u billowday dagaalkan cusub ee u dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF, iyadoo ilaa maanta ay socdaan dagaaladu, waxaana jira in labada dhinac ee dagaalku ka dhaxeeyo uu midba guulo ka sheeganayo dagaalkan, balse aan sheegashadooda la xaqiijin karin.