4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 3 , 2022
Booliiska Kenya oo qabtay nin aad loo doon doonayay oo madaxiisa la dul dhigay hal milyan dollar
 

Arbaco, Agoosto, 3, 2022 (HOL) - Hay’adda dambi baarista dalka Kenya ayaa waxay gacanta ku dhigtay nin si aad ah looga baadi goobayay Kenya.

Cabdi Xuseen Axmed oo loo yaqaan Abu Khadi, ayaa lagu xiray gobolka Meru ka dib markii ay booliisku heleen xog sir ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay.

Ninkaan ayaa dowladda Maraykanka waxay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 119 milyan oo shilinka dalka Kenya ah.

Waxaa loo haystaa inuu ka ganacsado daroogada. Isaga iyo kooxdiisa waxaa lagu helay inay qeybin jireen daroogada nuuca loo yaqaano heroin, taasoo uu ku mutaysan karo toban sano oo xabsi ah.

Waxaa sidoo kale lagu daray liiska dadka sida aadka ah loo doon doonayo ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa ugaarsi sharci darro ah oo loo geystay in ka badan 35 wiyil iyo 100 maroodi ah.

Booliiska Kenya ayaa sidoo kale bishii June ee lasoo dhaafay qabtay nin kale oo isagana uu Maraykanku doon doonayay.

Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska.

Markii la qabtay waxay ahayd afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi barista ee Kenya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.