4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2022
Dowladda Soomaaliya oo loogu deeqay 1.6 Million oo xabo oo ah tallaalka J&J ee COVID-19

Isniin, Agoosto, 29, 2022 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lasoo gaarsiiyey ilaa 1,645,600 oo ah talaalka xanuunka COVID-19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaasoo ay kusoo deeqeen wadamada kala ah Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech.

Dowladaha Sweden Iyo Jamhuuriyadda Czech ayaa deeqda talaalka ah u soo marsiisey Soomaaliya, hannaanka qaybinta talaalka COVID 19 ee COVAX, kaasoo Ilaa hada tirada shacabka Somaaliyeed ee dhamaystay labada talaal ee xanuunka COVID-19 ay gaarayaan 2.3 million oo qof, halka in kabadan 1.9 million oo qof ay qaateen qayb ka mida talaalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay'adda UNICEF oo lagu baahiyey bogga internetka ee hay’adda ayaa lagu sheegay in wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo ka hadlayey munaasibadda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahadceliyey dalalkii ku deeqay talaalkan lasoo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badan oo Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in talaalkan ay heleen xilli aad u muhiim ah, maadaama ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran oo sababtay barakac xoogan oo uu sheegay iney sababi karto inuu si fudud ugu dhaco xanuunka COVID-19 dadka danyarta oo u nugul xanuun kasta.

Xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa haatan qarka u saaran inay isu rogto macaluul baahsan, waxaana haatan ay abaaruhu saameeyeen dad gaaraya ilaa 7.7 million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah, halka ilaa 1 million oo qof ay ku barakaceen gudaha dalka Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu hanweynahay in Sweden ay mar kale muujisay sida ay u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan masiibada Covid-19. Tallaalka gaadhaya illaa 1,360,800 ee ay ku deeqday dawladda Sweden ayaa gacan ka geysanaya in bulsho badan oo Soomaali ah la tallaalo.” Ayuu yidhi Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lindgärde.

Wakiilka Hay'adda Caafimaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan WHO ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay u qorsheysan tahay inay talaasho ugu yaraan 40% Shacabka Soomaaliyeed marka la gaaro dhamaadka sanadkaan 2022-ka.

“Guud ahaan shacabka Soomaaliya illaa 15% ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19, halka illaa 12% oo ka mida shacabka Soomaaliya ay qaateen qayb ka mid ah tallaalka. Iyada oo ay si wada jira isu kaashanayaan, xukuumadda, deeqbixiyayaasha iyo daneeyayaasha kaleba, waxaan isticmaalnay habab hal-abuur leh oo saameyn leh si aan u gaadhno dadka aadka u nugul, looga hortago faafitaanka COVID-19" ayuu yirii Dr. Mamunur.