4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose

Isniin, Agoosto, 29, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray ciidamada Kenya ee ka howlgala deegaanada Jubbaland iyo kuwa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Taabta ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ay ku leeyihiin ciidanka Kenya deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac ee dagaalku dhexmaray, hayeeshee aanan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha kala gaaray.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ka geysta Saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanada maamul goboleedka Jubbaland, waxaana ka dhasha weeraradaasi khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.