4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 29, 2022
Maamulka Galmudug oo sheegay inay ciidamo kala dhex dhigeen maleyshiyaadkii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud

Isniin, Agoosto, 29, 2022 (HOL) - Wasiir warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay inay kala dhex galeen maleyshiyo beeleed ku dagaalamay deegaano katirsan waqooyiga gobolka Galgaduud.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in dagaalku si kedis ah u qarxay, isagoo sheegay in ciidamo xoogle la geeyay goobaha lagu dagaalamay islamarkaana ay ku guulaysteen inay dagaalka joojiyaan.

Falagle waxa uu nasiib darro ku tilmaamay colaadda xilligan kusoo laabatay gobolka Galgaduud, isagoo sheegay in maamulka Galmudug uu aad uga xunyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka iyagoo ku baaqay nabad iyo in colaadda la joojiyo.

Wuxuu sheegay inay Galmudug ka shaqeynayso sidii aysan mar dambe colaadda usoo laaban, isagoo sheegay inay dhigayaan gogol nabadeed oo lagusoo afjarato dirirta labada beelood.

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyooday dagaalka dhexmaray labo maleyshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Cadaado, waxaana dagaalku ka bilowday muran ka dhashay barkad laga dhisay deegaanka Labo-gale oo hoos taga Dhabbad.