4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2022
Wasiir Kaahin: Somaliland xaaladeeda nabadgalyadu way sii baaba'aysa
 

Axad, Ogosto, 27, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa dad ayna carabaabin ku eedeeysay in ay dowladaha shisheeye u gudbiyaan warar been abuur ah oo sheegaya in Somaliland burburayso.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in ay jiraan dad dowladaha shisheeye ugu sheekeeya, in Somaliland nabadeedu burburayso, oo dowladnimadii Somaliland gabaabsi ku jirto.

"Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa gadaya ama ajinabiga u sheegaya Somaliland way burburaysa, Somaliland xaaladeedii dowladnimo way sii gabaabsiyaysa, Somaliland xaaladeedii nabadgalyadu way baaba'aysa, waxa loobahanyahay markaa in dowladaha shisheeye ay faragalin Somaliland kusoo sameeyaan" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirku ma carabaabin cida uu eedaynta u jeediyay, lakiin wasiir Kaahin ayaa todobaado ka hor mucaaradka ku eedeeyay in ay safiirada dowladaha shisheeye ay ku yidhaahdeen qalalaase rida si aanu idinka iyo xukuumada idiin kala dhexgalno.

Wasiirka ayaa kama danbaystii sheegay in waxa kali ah ee umada ka dhexeeya ee ilaalinteeda laysku raacsanyahay ay nabadatahay, loona baahanyahay in mucaarad iyo muxaafad la wada dhowro.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]