4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2022
Ku dhawaad 20 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka socda waqooyiga Galgaduud
 

Axad, Agoosto, 28, 2022 (HOL) - Ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday tiro kaloo intaas ka badan way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo ka socda deegaanno hoos yimaado degmada Dhabbad ee gobolka Galgaduud.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaacmay ayaa ka kala tirsan dhinacyada dagaalamaya, waxaana haatan goobaha lagu dagaalamayo gaaray ciidamo dowladda Soomaaliya katirsan, si ay u kala dhexgalaan maleyshiyaadka dagaalamaya.

Deegaanka lagu diririyo waxaa lagu magacaabaa Laba-gale oo dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud. Wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran ka dhashay Barkad laga qoday Laba-gale.

Guddoomiyaha degmada Dhabbad oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay billowday uu weli socdo. Wuxuu sheegay inuu geystay khasaare xooggan.

Illaa iyo hadda maamulka Galmudug kama hadlin colaaddan oo marar badan kusoo laalaalabatay waqooyiga gobolka Galgaduud.