4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 28, 2022
Somaliland: Dad loo xidh xidhay mudaharaadkii 11 bishan oo lasii daayay
 

Axad, Agoosto, 28, 2022 (HOL) - Waxa xoriyadooda dib u helay 49 qof oo loo xidh xidhay mudaharaadkii xisbiyada mucaaradka Somaliland dhigeen 11 August.

Cuqaal iyo waxgarad ayaa ka howlgalay siidaynta 26 qof oo ku xidhnaa xabsiga Madheera iyo 23 hablood oo ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Gabilay, waxaana lagu siidaayay warqad codsi ah oo cuqaashu u qoreen Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabaggale.

Xogeeyaha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Jaamac Bookh, oo ka qaybgalay siidaynta hablaha ku xidhnaa xabsiga Gabilay, ayaa u mahadnaqay cidkasta oo ka qaybqaadatay siidayntooda.

"Dhamaan cid ala cidii ka qayb qaadatay hablahaa soodayn tooda ayaanu u mahadnaqaynaa, maanta halkan wax kale kama odhanayno, 49 kaa qof ee lasiidaayay ee badhna Madheera ku jireen 23-na halkan, dhamaan cidii ka qaybqaadatay in aanu u mahadnaqno" ayuu yidhi Bookh.

Dhanaca kale, salaadiinta iyo cuqaasha ka howlgashay siidaynta dadka xidhnaa, ayaa u mahadnaqay xukuumada iyo taliyaha booliiska, iyo shacabka Gabilay oo ay sheegeen in ay si wanaagsan ula dhaqmeen oo usoo dhaweeyeen hablaha xidhnaa.

Mudaharaadka shacabkan laga soo xidhay ayaa dhacay 11 bishan kadib markii mucaaradka iyo xukuumada Somaliland isku afgaran waayeen sida loosoo kala horaysiinayo doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]