Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta soo gabagabaynaya socraalka uu ku joogo magaalada Garowe

Cabirka Farta
 Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta soo gabagabaynaya socraalka uu ku joogo magaalada Garowe

Axad, Agoosto, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabaynaya socdaal afar cishe qaatay oo uu ku joogo magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

newsinsideMadaxweyne Xasan sheikh ayaa kulamo la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna kawada hadleen xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Waxaa filayaa qodobadan iyo kuwo kale oo ay kawada hadleen labada nadaxweyne in lagusoo bandhigo warsaxafaaddeed maanta lasii daynayo, iyagoo labada masuul la hadlidoona warbaahinta markii ugu horraysay maalmo kadib imaatinka Xasan sheikh.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa inta uusan Muqdisho ku laaban inuu la kulmo bulshada rayidka ah sida  waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu  uga  dhageysto tallooyinkooda.