4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Xisbiga UCID oo sheegay in ay ogolyihiin mudo kordhin madaxweyne Biixi loo sameeyo

Sabti, Ogosto, 26, 2022 (HOL) - Xisbiga UCID ayaa sheegay in ay ogolyihiin in mudo kor dhin ilaa 6 bilood ah loo sameeyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si doorashooyinka loogu diyaar garoobo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ka UCID ahaan ay ogolyihiin muddo kor dhin kooban in madaxweynaha loogu sameeyo farsamo ahaan.

"Farsamo ahaan way yara durkaysa sidii 2009, lakiin waxaanu jecelnahay in anay 6 bilood ka badan ugu badnaan, beesha caalamku waxay nagu yidhaahdeen 4-6 bilood wixii ka badani sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysa, farsamo ahaan waanu ogolnahay wixii durkin ah" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay sidookale in xisbiga Waddani, uu aqbalay soojeedinta guddida dhexdhexaadinta, waxa uuna madaxweyne Biixi usoojeediyay in uu ogolaado soojeedinta guddida.

Wali xukuumada Somaliland kama hadal mawqif keeda ku aadan soojeedinta guddida dhexdhaadinta, dhinaca urruradana waxa jira urrurada qaar oo kasoo horjeestay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]