4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Dowladda Itoobiya oo TPLF ku eedeysay inay ka leexatay tubtii nabadda, dagaalna u diyaar garowday

Sabti, Agoosto, 27, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa goordhawayd soo saartay War saxaafadeed hor leh oo ay kaga waramayso xaaladda guud ee dalka Itoobiya.

War saxaafadeedka waxay dowladdu ku sheegtay in Kooxda TPLF ay ka tallaabsatay tubtii nabadda, dowladduna ay TPLF ka qaadi doonto tallaabadda ku haboon.

Dowladdu waxay TPLF ku eedeysay ku xad gudubtay degaannada deriska la ah gobolka Tigray sida Axmaarada iyo Canfarta, iyadoo xasuuqday dad badan oo shacab ah, hanti badana dhacey.

War saxaafadeedkan oo ah kii labaad ee ku qoran luuqadda Afka Soomaaliga, ayaa kusoo hagaagaya iyadoo wali uu dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo TPLF socdo, isla markaana uu marayo maalintii afraad.