4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Xisbiga UCID oo soo bandhigay mawqif kiisa ku aadan talo soojeedintii guddida dhexdhexaadinta
 

Sabti, Ogosto, 26, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa soo dhaweeyay taladii ay soojeediyeen guddida ganacsatada ah ee isku xilqaantay xal u helista khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, ayaa bulshada noocyadeeda kala duwan ugu baaqay in ay taageeraan talada ay soojeediyeen guddida ganacsatu ee ah "in laysa saaro doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada ee Somaliland".

"Waxaanu usoojeedinaynaa bulshada Somaliland, culimo awdiinta, ganacsatada, urrurada bulshada, dad waynaha, shuyuukhda, haweenka in la taageero go'aankaa ama soojeedintaa ay soojeediyeen xubnahaasi" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa dhanka kale ugu baaqay golayaasha sharci dajinta in ay meel mariyaan soojeedinta guddida, xili uu ka cabsi qabo in xildhibaanada qaar oo taageero u haya urrurada cusubi, ay ka maagaan meel marinta soojeedintan.

"Baarlamaankana waxaan leeyahay haday taasi maanta inaga katibto, xildhibaano ahaan maysaan, mid kastaaba tuuladiisa ayuu ku noqon doonaa, dadka gaajoonaya ee cashuur tooda mushaar laydinka siinayo uma fadhiyaysaan" ayuu yidhi Faysal.

Madaxweynaha ayuu sidookale ugu baaqay in uu taageero u muujiyo soojeedinta guddida "Madaxweynaha waxan leeyahay guul taasaa kugu danbayse, jaaniiska ka faa'iidayso guruub kaaga amar ku sii, in ay bahalkaa sii daayaan".

Wali xukuumada Somaliland iyo xisbiga Waddani toona ma caddayn mawqif kooda ku aadan soojeedinta guddida, lakin qaar kamid ah urrurada cusub oo uu ugu horeeyo urrurka Horseed ayaa kasoo horjeestay soojeedinta guddida.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]