4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo goordhaw Muqdisho ku dilay mid ka mid ah Darawalada Gaadiidka Waaweyn

Sabti, Agoosto, 27, 2022 (HOL) - Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa qaada lacagaha Canshuurta ee loo yaqaano Minishiibiyada ayaa goordhaw dil u geystay mid ka mid ah Darwalada kaxeeya gaadiidka waaweyn ee Xamuulka qaada gudaha magaalada Muqdisho.

Dilka loo geystay Darwalka ayaa ka dhacay wadada hormarta Iskuulka 21- Oktoobar ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dilka ka hor askariga dilka geystay iyo Marxuumka dhintay uu dhexmaray murun kooban xili la tilmaamay in wadada uu ka jiray mashquul aad u xoogan ama jaam, waxaana ugu dambeyn murunka sababtay in askariga uu dhowr xabadood ku dhufto Darwalka gaariga.

Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka ee ka shaqeya dekadda weyn ee magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askariga uu Darawalka u dilay lacag laaluush ah oo uu doonayay inuu siiyo, xilli uu gaariga Canshuurnaa, islamarkaana darawalka uu watay warqado cadeyn ah.

"Maalin walba sidaan ayaan naloo dilaa oo waraabe ayaa wadada inoo fadhiya, hada maskiinkaan la dilay waxa uu watay sadax warqadood oo canshuur ah hadana waxa dilay askari ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo Canshuurta u qaado, Khamiistii ayay aheyd markii sidaan oo kale isla wadadaan si sharci daro oo noocaan oo kale ah loogu dilay Darwal kale marka dhibaatadan in wax laga qabta ayaan codsan laheyn" ayuu yiri mid ka mid ah Darawalada gaagiidka Xamuulka ah.

Wadayaasha gaadiidka ayaa dilka Marxuumka kadib mudo kooban xirtay wadada hormarta Iskuulka 21-ka Oktober, waxayna madaxweynaha iyo dowladda ka dalbadeen inay sharciga horkeenaan Askariga dilka geystay oo goobta ka baxsaday, iyagoona intaas kusii daray inay cabasho ka yihiin askarta dowladda ee ku sugan baraha koontaroolada qaar oo ay sheegeen inay ka qaadan lacag sharci daro ah.

"Anaga dabacadeeye miyaan nahay waxaa nalagu dhaha maalin dhan ma socon kartaan habeenkii 5 saac ilaa sagaal saac ama salaada subax kaliya ayaad socon kartaan, taasi wax aan ku shaqeyn karno maaha inagoo wax walba oo lacago iyo sharci ah ah soo marna ayaa dhibaatada nalagu haaya" ayuu yiri mid ka mid ah Darawalada gaadiidka waa weyn.

Dilalka loo geysto Darawalada gaadiidka ku dhex kaxeeya gudaha magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka dhasha murun iyo isfaham waa soo kala dhex galo lacago loogu yeero birqaad oo ay wadayaasha qaar diidaan iney baxshaan, taasoo sababta in mararka qaar naftooda loo dhaafiyo.