4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2022
Kulamo xasaasi ah oo Garowe uga socda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh iyo madaxweynaha Puntland

Sabti, Agoosto, 27, 2022 (HOL) - Kulamo xasaasi ah oo albaabada u laaban yihiin ayaa magaalada Garowe uga socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Waxaa aad u adag in xog laga helo kulankaan oo muddo ka badan 24saac ka socda madaxtooyada Garowe, mana jirto cid ku wehlisa kulankooda.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Deni ayaa diiday in cid kale kulankooda ku wehliso, taasoo keentay inay shirka bannaanka ka joogaan wafdigii madaxweynaha la socday, sida wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu diiday in madaxweyne Xasan Sheikh uu  kulmo bulshada rayidka.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha Puntland uu ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheikh inuu laalo dhammaan xeerarkii dowladdii hore ay meel marisay, kuwaas oo ay Puntland ka hortimid, sida xeerka batroolka.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo hadda ku sugan Garowe muddo 48 saac weli si rasmi ulama hadlin bulshada. Safarkiisa oo maanta ku ek, ayaa laga yabaa inuu sii joogo magaalada Garowe tan iyo inta isaga iyo Deni is-afgarad ka gaarayaan.