4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2022
Wasiirka warfaafinta Puntland: Dawladda hadda joogta kama go'na nidaamka lagu heshiiyey ee Federalka
 

Jimco, Agoosto, 26, 2022 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Puntland, Eng, Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee hadda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheikh aysan ka go’nayn inay dalka ku hoggaamiso nidaamka federalka.

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay tan iyo kumeel gaarnimadii dalka kadib, in dowlad kasta ay Xamar ka koobto dhammaan taageerada caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliyeed.

‘"Dawladda dhexe hadda joogta ifafaalaha ka muuqda waxay u muuqataa inaysan ka go'nayn dalka nidaamka lagu heshiiyey ee Federalka ah inay ku hogaamiso. Arrinta la isku hayaa waa arrintaas. Lug la isku bixinayo ma jirto. Sharci baynu ku heshiinay. Dooni mayno digteetar,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Eng, Caydiid wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh in dowladdiisa ay khasab ku tahay inay fuliso wixii sharciyan ay xaq u leedahay Puntland. Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay inay Puntland diyaar u tahay wixii wada shaqayn ah ee kaga aadan dowladda federalka.

Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ayaa kusoo aaday xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu haatan ku sugan yahay magaalada Garowe, isagoo wada hadalo kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.