4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 26, 2022
Madaxa Cafimaadka Adduunka ee WHO oo ka waramay xaaladda ka taagan gobalka Tigray
 

Jimco, Agoosto, 26, 2022 (HOL) - Madaxa Cafimaadka Aduunka Tedros Adhanom ayaa ka waramay xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka uu isagu kasoo jeedo ee Tigray.

Tedros ayaa sheegay in dad wheladiisa ah oo ku dhaqan gobolka Tigray uusan la xiriiri karin, ogayna xaalad ay dadkaasi ku sugan yihiin hadda, isagoo yiri  " Waxaan halkaas ku leeyahay qaraabo badan, waxaan rabaa inaan lacag u diro, laakiin lacag uma diri karo, way gaajoonayaan, waan ogahay ma caawin karo, Ma caawin karo iyaga, gabi ahaanba waan kala go'annahay, Xitaa ma garanayo ka dhintay iyo ka nool midna" ayuu yiri Tedros Adhanom, Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Tedros Adhanom ayaa kasoo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka colaaduhu saameeyeen ee Tigray, marar hore waxa uu xilal kala duwan oo sar sare kasoo maray dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa intii uu Tedros xilkan uu hadda ka hayo ee qaramada midoobay uu hayay, waliba intii ay socdeen dagaallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF, waxay dowladdu ku eedeysay Tedros inuu u xaglinayo dhinaca gobolka uu kasoo jeedo ee Tigray, marar badan xitaa dowladdu waxay isku dayday in Tedros xilkan Madaxa Caafimaadka Adduunka laga qaado.

Hadaladan haatan kasoo yeeraya Tedros Adhanom Madaxa Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa kusoo hagaagaya xilli uu dib u cusboonaaday dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF.