4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Magaalada Ceerigaabo oo bandow lagu soo rogay
 

Khamiis, Ogosto, 25, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag kusoo rogtay bandow wixii ka danbeeyay 8:00 habeenimo, kadib mudaharaado rabashado wata oo halkaa ka dhacay shalay.

Bandooga ayaa yimid kadib markii shacab ka gadoodsan nin ay ciidamadu toogteen ay mudaharaado rabshado sababay ka dhigeen magaalada Ceerigaabo, mudaharaadada oo sababay dhaawacyo.

Hadaba xukuumada Somaliland ma faah faahin xaalada bandowga, waxaana magaalada dhexwareegaya baabuur ciidan oo dadka ogaysiinaya in magaaladu ay bandowtahay wixii ka danbeeya 8:00 habeenimo.

Xukuumada Somaliland ayaa mudaharaadkii shalay kadib shacbiga ugu baaqday in ay isdajiyaan, iyada sheegtay in laga shaqaynayo xal u helista arrinta dilka sababay in shacabka reer Ceerigaabo gadoodaan.

Dhinaca kale, shacabka ayaa dalbanaya in cadaalada la horgeeyo guddoomiyaha gobolka Sanaag oo ciidan uu watay ay dilka gaysteen, loona haysto in uu isagu dilka amray.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]