4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Guddida dhexdhexaadinta mucaaradka iyo xukuumada Somaliland oo soojeedin sameeyay

Khamiis, Ogosto, 25, 2022 (HOL) - Guddi ka kooban ganacsatada waa wayn ee Somaliland oo isku xilqaamay xal u helida khilaafka siyaasadeed, ayaa soo jeediyay in hal mar lawada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada siyaasada.

Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo ku hadlay afka guddida ganacsatada ah ee dhexdhexaadinta, oo sheegay in ay garwaaqsadeen in arrin sharci laysku hayo, ayaa soojeediyay in deg deg loo dhamaystiro xubnaha guddida doorashooyinka isla markaana, laysku sidko doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada.

"In la dadajiyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro xubnaha ka dhiman koomiishanka doorshooyinka qaranka, qodobka 2aad, In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada" ayuu yidhi Dahabshiil.

Waxa uu sheegay in israacinta labada doorasho ay fududaynayso culayska maaliyadeed ee doorashooyinka, waxayna golayaasha sharci dajint usoojeediyeen in ay socodsiiyaan codsigooda, dhinaca kalena daneeyayaasha doorashada ayay ugu baaqeen in golaha ku taageeraan meel marinteeda.

"Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada, xisbiyada mucaaradka, urrurada siyaasada, iyo dhamaan shacbiga Somaliland in ay golayaasha sharcidajinta, ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen" ayuu yidhi Dahabshiil.

Guddidu may sheegin in dhinacyada doorashada isku hayaa ay siiyeen kalsooni buuxda oo ay khilaafka kaga garnaqi karaan, isla markaana hadal kooda ayaa ah soojeedin kali ah.

Magacyada xubnaha guddida dhexdhexaadinta:-

1. Xaaji Aadan Axmed Diiriye
2. Cabdirashiid Maxamed Siciid
3. Cabdikariim Maxamed Iid
4. Ismaaciil Ibrahim Axmed
5. Maxamed Shukri Jaamac
6. Cabdillaahi Carab Ismaaciil

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]