4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Jubbaland oo digniin xooggan ujeedisay siyaasiyiinta ka hor yimid muddo kordhinta Axmed Madoobe

Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Duqa magaalada Kismaayo, Cumar Cabdullaahi Maxamed Farawayne ayaa digniin ujeediyay siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay abuurayaan carqalad ka dhan ah muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Cumar Farawayne ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay difaacayaan mabda’a dowladnimada Jubbaland. Wuxuu sheegay in si qaldan loo turjumay hal sano oo lagu kordhiyay muddo xilleedka madaxweynaha Jubbaland.

Duqa magaalada Kismaayo wuxuu sheegay Jubbaland inay si lamid ah dowlad goboleedyada kale ee dalka qaadatay mowqif ah inay shan sano ka dhigto muddo xilleedka madaxweynaha, taasoo sida uu sheegay ay la jaanqaadayso jihaynta siyaasada Soomaaliya.

“Intii hotel Maa’ida la fariisto dadka halaga maago, arrintaas hala iska daayo waa ceeb. Haddii arrintaas billaabatana nin walba waa isdifaacayaa. Hadii makarafoonada bataan nin walba kitaabkiisa qoorta loo surayaa,” ayuu yiri Cumar Farawayne.

Barlamaanka Jubbaland ayaa dhawaan hal sano u kordhiyay madaxweyne Axmed Madoobe oo tobankii sano ee lasoo dhaafayay maamulayay Jubbaland. Laakiin waxaa arrintan ka horyimid siyaasiyiinta iyo qaar kamid ah wakiillada Jubbaland u matala dowladda Soomaaliya.