1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2022
Senator Fartaag: Muddo kororsi aan ka diidnay dowladdii madaxweyne Farmaajo ka yeelimayno Jubbaland
 

Isniin, Agoosto, 22, 2022 (HOL) - Senataro, xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland ayaa ka horyimid muddo kororsi hal sano ah oo barlamaanka Jubbaland uu u sameeyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Senator Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo horey madaxweyne ku xigeen ugasoo noqday maamulka Jubbaland, ayaa sheegay inaysan aqbalidoonin wax muddo kororsi ah oo loo sameeyo Axmed Madoobe.

Senator Fartaag ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka horyimaado muddo kororsiga madaxweynaha Jubbaland. Wuxuu sheegay inuu baalmarsan yahay dastuurka Soomaaliya iyo midka dowlad goboleedka Jubbaland.

Fartaag wuxuu sheegay, Jubbaland inay ku jirto xaaladdii ugu xumayd amni ahaan iyo midnimo. Wuxuu sheegay in saraakiil badan oo Jubbaland iyo dowladda federalka katirsan muddooyinkii ugu dambeeyay lagu dilay magaalada Kismaayo.

“Muddo kororsigii aan ka diidnay dowladdii madaxweyne Farmaajo ka yeelimayo dowlad goboleedka Jubbaland, oo aan mulkilayaasheeda iyo lixjeclayaasheeda kamid nahay. Sidaas daraadeed, muddane madaxwyene, muddane raysal wasaare arrintaan ma ahan arrin sahlan. Mana filayo inaad aqbalidoontaan ku darsasho qalqal amni keeni karta,” ayuu yiri Fartaag.

Wasiirka hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka horyimid mudo kororsiga. Wuxuu Axmed Madoobe uga digay inuusan Jubbaland ka dhigin wax jeebka ugu jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa muddada xil hayntiisa waxay ku egtahay bisha August ee sannadka soo socda, hase ahaatee, halka sano ee uu barlamaanku ugu daray ayaa ka dhigan inuu xafiiska sii joogo August illaa 2024.