4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lala beegsaday gaari Cabdibile ah oo maraayay wadada.

Dad goobjoogayaal ahaa oo warbaahinta la halay ayaa waxay sheegeen in gaariga ciidan ee qaraxa ka badbaaday ay saarnayeen ciidamo farabadan, hayeshee qaraxa uu sababay dhimashada 2 ruux oo shacab ah iyo dhaawac intaasi ka badan.

Qaraxa miino oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka qaar ayaa waxaa qaraxa kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, kuwaas oo mudo kooban xayiray isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadadaasi isticmaalayay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi inkastoo aanan la sheegin cid ay usoo qabteen qaraxaasi.

Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gudaha magaalaa Muqdisho lagula eegta, gawaarida ciidanka iyo kuwa madaxda dowladda, xiliyada ay marayaan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ka dhasha khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]