4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
37 qof oo Soomaaliya ugu geeriyooday cudurka daacuunka
 

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay waxay ku sheegtay, in 37 qof ay sanadkan Soomaaliya ugu geeriyoodeen cudurka daacuunka.

Warbixinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in bilihii January iyo June laga helay Soomaaliya 8,41 xaaladood oo daacuun ah, 37 qofna ay u dhinteen cudurka.

Qiyaastii 54 boqolkiiba dadka uu soo ritay cudurka sanadkan, ayaa ahaa carruur da'doodu ka yar tahay laba sano, sida warbixinta lagu sheegay, halka 49 boqolkiiba ay yihiin haween. Sidoo kale 28 boqolkiiba ay aad u fuuqbaxeen.

Tallaalka daacuunka ee afka laga qaato ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya laga billaabay 2017-kii, markaasoo lasoo weriyay 78,865 xaaladood iyo 1160 kiis oo dhimasho ah.

Dowladda Soomaaliya iyo hay'adda WHO ayaa bishii hore howl galiyay 4,984 shaqaale caafimaad ah, kuwaas oo tallaalay 897,86 qof oo da’doodu tahay 1 jir iyo wixii ka weyn.