Jimco, Agoosto, 19, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, waxayna kawada hadleen doorka Qaramada Midoobay ee dadaallada bini'aadantinimo.
newsinsideKulanka ayaa intii uu socday waxaa wasiirka arrimaha dibadda iyo ergayga UNka ay isku weydaarsadeen aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta isu socodka dadka dhibaateysan iyo sidoo kale xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad u daneyneyso in gargaar la gaarsiiyo dadka tabaaleysan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen ee laga deyrinayo xaalkooda
Raysal wasaare Xamse ayaa dhawaan sheegay in xukuumadiisa ay xoogga saarayso ka jawaabidda gurmadka abaaraha ka jira dalka, isagoo golihiisa wasiiradda ku amray inay kaalin weyn ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.