4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Wararkii ugu dambeeyay howlgalada ka socda gobolka Hiiraan

Sabti, Agoosto, 13, 2022 (HOL) - Waxaa wali ka soconaya deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka Matabaan, Maxaas iyo Baledweyne howlgalada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Howlgalada ciidamada iskaashanaya oo uu horkacaayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa lasoo warinayaa iney si buuxdo kula wareegeen ciidanka gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaala inta u dhaxeysa Maxaas, Matabaan iyo Baledweyne oo horay ugu sugnayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada is garabsanaya ay dagaalo xoogan la galeen Al-shabaab ay kula wareegeen ku dhawaad 10 deegaan oo ku yaala inta u dhaxeysa Maxaas, Matabaan iyo Baledweyne, isagoona ugu baaqay hay'addaha gargaarka iney gurmad deg deg ah la gaaraan deegaanada Shabaab ay kala wareegeen.

"Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug, Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqeynaa in ay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo & waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha” ayuu yri guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa gobolka Hiiraan ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawiisleeyda ay howlgalo xoogan ka wadeen qeybo ka mid ah deegaano hoostaga degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Baledweyne, waxaana xusid mudan in halkaasi dhawaan ay tageen Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf, iyadoo horayna uu halkaasi ugu sii sugnaa Taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyeyaal kale oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]