4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2022
Burcad toogasho ka geystay qabuuro lagu aasayay muwaadin Soomaliyeed oo lagu dilay magaalada Toronto
 

Jimco, Agoosto, 12, 2022 (HOL) - Hal qof oo Soomaali ah oo rag ah ayaa ku geeriyooday mid kalena wuu ku dhaawacmay kadib markii rag hubaysan ay rasaas ku fureen qabuuraha Richmond Hill, halkaas oo ay ka socotay aaska wiil dhallinyaro Soomaali ah oo todobaadkan lagu dilay magaalada Toronto.

Booliiska Canada ayaa sheegay in saddex ilaa afar nin oo hubaysan ay rasaas ku fureen 60 qof oo aaska kasoo qeyb galay, halkaas oo ay sheegeen inay ku dhaawacmeen labo qof oo mid kamid ah uu isbitaalka ku geeriyooday.

Booliisku waxay sheegeen inay tuhmnayaasha oo watay gaari duuga oo ah nuuca SUV ay baxsadeen. Waxay sheegeen markii ugu dambeysay in lagu arkay wadada Leslie Street.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Toronto ayaa arrintaan aad uga welwelsan, waana markii ugu horraysay oo dhacdo nuucaan ahi ka dhaco dalkaas oo  Soomaali badan ay ku nool yihiin.

“"Weligaa ma filanaysid wax sidan oo kale ah inay dhacaan wakhti kasta, iska daa inta lagu jiro aaska. "Tani waxay saameyn ku yeelan doontaa dhammaan dadka maanta halkan joogay iyo sidoo kale bulshadeena,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliiska Toronto.

Bilayska Toronto ayaa horey uga hadlay geerida Maxamed oo ahaa 27-jir Soomaali ah oo si fool xun loogu dilay magaalada Toronto. Booliiska ayaan cidna u soo qaban toogashadaas.