4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Ciidanka Liyuu Booliska iyo Al Shabaab oo maanta ku dagaallamay gobolka Shabelle
 

Khamiis, Agoosto, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in uu dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo Ururka Al Shabaab uu ka socdo nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Sanku dhooble oo u dhaw degmada Qallaafo ee gobolka Shabelle.

Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan ayaan la garan karin, inkastoo dhinaca dowlad degaanka Soomaalida ay sheeganayaan inay guulo ka gaareen dagaalka maanta, haddana ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara arrinkaas.

Dagaalka maanta ayaa kusoo hagaagaya xilli xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu ay horey u sheegtay in Kooxda Al Shabaab badankood degaanka laga saarey, waxa ku hadhayna uu yahay mid mid jihadu ka wareertay oo shacabku midha-midhaysanayaan.

Ma jiro wali warar rasmi ah oo kasoo baxay dhanka xukuumadda degaanka Soomaalida oo ku saabsan dagaalka maanta.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa maalmo ka hor waxa uu sheegay in Al Shabaab laga adkaaday, isla markaana aysan hadda jirin Al Shabaab dagaallami karta oo ku sugan gudaha degaanka Soomaalida.

Kooxda Al Shabaab ayaa muddo bil gudaheeda dhawr jeer weeraro ku soo qaaday dowlad degaanka Soomaalida, weerarada hore ayaa u badnaa dhanka xadka, inkastoo kan maanta uu ahaa mid ka dhacay gudaha degaanka Soomaalida, meel u dhow dhanka xadka degaanku la leeyahay Soomaaliya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]