4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Dad ku dhintay mudaharaadada ay dhigeen mucaaradka Somaliland
Xuquuqda sawirada Xamsa Taani

Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (HOL) - Saddex qof ayaa ilaa hada ku nafwaayay mudaharaadadii ay saaka xisbiyada mucaaradka Somaliland ka dhigeen magaalooyinka Somaliland.

Wiil iyo gabadh ayaa ku dhintay magaalada Hargaysa sida ilo xogogaal ahi u sheegeen Hiiraan online, isla markaana hal qof ayaa ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, sida uu sheegay badhasaabka gobolka Sanaag.

Dhaawacyo iskugu jira shicib iyo askar oo aan tiradooda wali la xaqiijin, ayaa ilaa hada la ogyahay in ay ka dhasheen mudaharaadada ka dhacay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Isbitaalka wayn ee Hargaysa, ayaa lagu dabiibayaa dhaawacyada ka dhashay mudaharaadayaasha magaalada Hargaysa, waxaana la sheegay in halkaa lasoo gaadhsiiyay tobaneeyo qof oo dhaawac ah.

Sidookale, waxa jira xadhig loo gaystay dad iskugu jira shacib iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]