4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 11, 2022
Mudaharaado ka soconaya magaalooyinka waa wayn ee Somaliland

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Dad iskugu jira askar iyo shicib ayaa ilaa hada inta la ogyahay dhaawacyo kasoo gaadheen rashado ka dhashay mudaharaado ay taageerayaasha mucaaradka Somaliland ka dhigeen magaalooyinka waa wayn ee Somaliland.

Taageerayaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa sidii lagu balamay saaka iskugu soo baxay magaalooyinka waa wayn ee Somaliland,  isku dhaca booliiska iyo mudaharaadayaasha ayaa yimid kadib markii ay taageerayaasha mucaaradku isku dayeen in ay dhaafaan goobihii loo cayimay.

Kadib dhaawacyada soo gaadhay qaar kamid ah mudaharaadayaasha, taageerayaasha mucaaradka ayaa dhagax la dhacay xarunta guud ee xisbiga Waddani ee xaafada New Hargaysa, halkaasi oo ay ku sugnaayeen madaxda mucaaradku, waxayna ku qasbeen in ay soo baxaan oo ay mudaharaadka horkacaan.

Inta kadib musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo saraakiil kale ayaa xaga suuqa wayn ee Hargaysa u horkacay taageerayaashooda.

Internetka oo go'an guud ahaan Somaliland lama heli karo xogo faah faahsan, ilaa hadana madaxda mucaaradku lama hadal taageerayaasha, dhinaca kalena ciidamo badan oo lagu daadiyay suuqyada Hargaysa ayaa xadiday isku socodka gaadiidka iyo dadka mudaharaadaya.

Wali ma jiraan warar rasmi ah oo aanu ka helnay magaalooyinka kale ee Somaliland, dad ku kala sugan magaalooyinka Burco, Borama iyo Berbera, ayaa Hiiraan Online u sheegay in anay wali ogayn wax dhibaato ah oo ka dhalatay mudaharaadada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]