4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Faarax Diiriye Warsame oo loo doortay guddoomiyaha degmada Cadaado
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta loo doortay Faarax Diriye Warsame, halka ku xigeenkiisa loo doortay Cabdixakin Maxamed Cali.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa, waxayna kula dardaarameen inay si daacad ah u gutaan masuuliyadda loo doortay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u hambalyay maamulka cusub ee degmada Cadaado. Wuxuu sidoo kale xubnaha golaha deegaanka ee degmada Cadaado ku amaanay sida ay u soo doorteen hoggaan badala maamulkii hore ee degmada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in tallaabada golaha deegaanka ay qaadeen ay dhiiro galin u tahay hannaanka dowladnimada Galmudug, lana joogtayn doono, si dhammaan degmooyinka Galmudug looga dhaqan galiyo gole deegaan oo soo doorta degmooyinka.

Guddoomiyaha cusub ayaa kamid ahaa musharraxiinta ugu cadcadaa doorashada, wuxuuna horey u ballanqaaday in haddii la doorto uu wax badan qabandoono.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa xilka hayndoona afarta sano ee soo socota.