4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Cirro: Mudaharaadku wuxuu ka dhici doonaa xarunta gobolka ee xisbiga Waddani
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in ay ku mudoharaadayaan goobo ka duwan kuwii ay xukuumadu u cayintay.

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in muddoharaadku ka dhici doono, xarunta xisbiga ee gobolka Maroodijeex oo u dhow madaxtooyada Somaliland iyo xarunta UCID oo u dhow guriga madaxweyne Biixi, si ka duwan sidii xukuumadu sheegtay in ay ku heshiiyeen.

"Waxan taageerayaasha u sheegaya in mudaharaadku ka qabsoomi doono xarunta gobolka ee xisbiga Waddani, ee dugsiga Faarax Oomaar kasoo horjeeda, iyo xarunta guud ee UCID" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in cadaadis iyo dagaal ay xukuumadu ku hayso mucaaradka oo  maalmihii ugu danbeeyay xabsiga la dhigay ilaa 13 qof oo iskugu jira masuuliyiin iyo taageerayaal uu xisbiga Waddani leeyahay, waxa uu inta ku daray in mudaharaadka lagu muujin doono duruufaha bulshada haysta.

Waxa uu shacabka kula dardaarmay in ay nabada ilaaliyaan isaga oo ka digay xogo uu helay oo sheegaya in xukuumadu qaswadayaal ku dhex dari doonto shacabka mudaharaadaya, kuwaasi oo laga yaabo in ay dhibaateeyaan shacabka iyo boliiskaba.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]