4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Faysal Cali Waraabe: Aynu barano in mudaharaad nabadgalyo ah aynu samayn karno

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay in dood badan kadib ay xukuumada kula heshiiyeen in ay berri mudaharaadadooda ku qabsadaan xafiisyadooda ku yaala 6-da gobol doorasho.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ahna guddoomiyaha isbahaysiga mucaaradka Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay doonayeen in ay khayriyooyinka magaalooyinka waa wayn ku mudaharaadaan, lakiin markii danbe ay aqbaleen in ay xafiisyada ku qabsadaan.

"Waxaanu doonaynaa in aanu qaadano tii aanu markii hore diidanayn ee xafiisyada, ee aanu lahayn waar khayriyada, waar khayriyada, waar khayriyada" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha ayaa arrin aan haboonayn ku tilmaamay in umada Somaliland oo la daalaa dhacaysa dhibaatooyin kala duwan, hadana lagu dul murmo wuxuuna taageerayaasha mucaaradka ugu baaqay in ay shacabka ilaaliyaan.

"Markaa waxaanu leenayay shacabka Somaliland xilwayn ayaa ina saaran dadkeenaa in aynu maanta ilaalinaa weeyi, waa in aynu ogaanaa dadkeenu maanta siday ku noolyihiin, inagamay mutaysan biyo la'aan, caafimaad la'aan, shaqo la'aan, iskuul la'aan iyo in aynu dhexdooda ku murano" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in mudaharaadka berri uu tusaale u noqon doono in shacabka iyo booliiska oo is kaashanaya ay mudoharaadi karaan "Muharaadkaasi ha inoo dhaco oo aynu barano in mudaharaad nabadgalyo ah, inaga iyo booliis keenuba samayn karno".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]