4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Ilhaan Cumar oo si dirqi ah ugu guulaysatay doorashada horudhaca ah ee Koongareeska Maraykanka
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si dirqi ah ugu guuleysatay Talaadadii xalay, tartanka hordhaca ah ee Congress-ka Mareykanka oo ay kula tartamaysay Xubin hore oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis, Don Samuels.

Ilhaan Cumar ayaa heshay 51 boqolkiiba codadka la dhiibtay ee doorashada. Halka Samuels uu helay 48 boqolkiiba.

"Guusha caawa waxay marqaati u tahay sida ay degmadeenu u aaminsan tahay qiyamka wadajirka ah ee aan u dagaalamayno," ayay tidhi Ilhaan Cumar oo doorashada kadib hadashay.

Ilhaan Cumar, ayaa la tartami doonta Cicely Davis oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga doorashada guud ee bisha November 8.

“Mareykanku wuxuu rabaa isbedel. Waana ognahay inaan bixinaynay isbeddelkaas. "Rajada kaliya ee aan qabo ayaa ah in qofka iga soo horjeeda uu cashar ka baran doono arrintan, waxaa sidaas yiri, Samuels oo doorashada looga guulaystay.

Ilhaan Cmar, oo u tartamaysa mar saddexaad Congress-ka, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah iyo qaxooti ah oo loo doorto Congress-ka Maraykanka sannadkii 2018.