4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Puntland oo soo bandhigtay gaari lagusoo waxyaabaha qarxa oo ku wajahnaa dowlad deegaanka Soomaalida
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Lamaaha amiga maamulka Puntland ayaa soo bandhigay agab laga sameeyo waxyaabaha qaraxa, kuwaas oo lagu qariyay gaari dhayne ah oo lagu qaybtay Dagmada galdogob ee gobolka Mudug.

Gaarigan waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen ayaa la sheegay inuu kusii jeeday dowlad deegaanka Soomaalida, hase ahaatee, inta uusan ka gudbin xadka ayay ciidamada Puntland u suurto gashay inay ogaadaan xogtiisa, kadibna lasoo qabto.

Masuuliyiinta amniga waxay sheegen in qiyaastii qalabka la qabtay laga samaynkaro ilaa 150 qarax oo ah miinada nuuca dhulka lagu qariyo

Ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen darawalkii gaarigaan, kaas oo laamaha amnigu haatan ku wadaan baaritaan ku saabsan halka Qaraxan laga keenay.

Qabashada walxahan qarxa ayaa kusoo aaday xilli dhowaan dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay duullaan kusoo qaadeen ururka Alshabaab.

Alshabaab ayaa gudaha u galay dhul dhan 150km, oo gudaha Itoobiya ah, inkastoo markii dambe laga saaray.

Alshabaab ayaa markale iskudayaysa inay gudaha magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya ka geysataan qaraxyo sida uu guddiga golaha amniga Itoobiya dhawaan shaaciyay.

Dowladda Itoobiya waxay taas beddelkeedna ciidamo cusub gudaha u galisay gobolka Gedo, si ay uga hortagaan qatar kasta oo Alshabaab ay maleegayso.