4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 10, 2022
Faysal Cali Waraabe: Waan ka xumahay in xukuumadu ku dhawaaqdo goobo aan laysla ogolaan
 

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xukuumada anay ka wada hadlin goobo gaar ah oo lagu qabanayo mudaharaadka, sida wasiirka isgaadhsiintu sheegay.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu Facebook ku baahiyay ku sheegay in anay jirin wax goob ah oo xukuumada iyo mucaaradku ilaa hada isla meel dhigeen in mudaharaadku ka dhaco, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka wasiir Suufi ee odhanaya "Mucaaradku xafiisyadooda ayay ku mudoharaadayaan".

"Aad ayaan uga xumay in xukuumadu ay ku dhawaaqdo goobo aan laysla ogolaan. majirto wax goob cayiman ah oo wali lagu heshiiyay, waxaana loo balamay in laga wada hadlo berri,warka kasoo baxay xukuumadu wuxuu caqabad wayn ku abuurayaa wadahadaladii jawiga fiican ku bilaamay" ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Faysal waxa uu sheegay in arrinta goobaha uu mudaharaadku ka dhacayo lagu gorfayn doono kulanka maanta mar kale dhex mari doona mucaaradka, xukuumada iyo saraakiisha booliiska, kulankan oo loo balansanyahay 9:00 AM ee saaka.

Mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ayaa kulan ay shalay yeesheen heshiis kaga gaadhay khilaafkii ka taagnaa qabsoomida mudaharaadka, iyagoo isla ogolaaday in mudaharaad nabadgalyo dhaco maalinta Khamiista.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]