5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2022
Wasaaradda amniga Soomaaliya oo soo rogtay go'aano ka dhan ah danjire Madeira
 

Sabti, April, 9, 2022 (HOL) - Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa ku amartay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda inay kala laabato warqada dal ku joogga Danjire Francisco Madera oo uu dalka ka ceyriyay Ra'isulwasaare Rooble.

Wasaaradda amniga ayaa sidoo kale si kumeel gaar ah u xiryay dhammaan hawlihii Terminalka Movecon oo ay kasoo dagi jireen ajaanibta ilaa amar dambe.

Go'aankaan ayaa kusoo beegmay kadib markii midowga Afrika uu ka horyimid go'aanka dalka looga eryay francisco Madeira, wuxuuna midowga Afrika sheegay inuu ixtiraamayo go'aanka madaxweyne Farmaajo ku diiday eryida francisco Madeira.

Warar ayaa sheegaya in wakiilka Midowga Afrika uu ku sugan yahay magaalada Nairobi islamarkaana xukuumada Roobe ay qaadayso tallaabo kasta oo looga hortagayo inuu Soomaaliya kusoo laabto.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online