4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta kulan kula yeeshay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha

Sabti, April, 9, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay habka fogaan aragga Midowga Musharaxiinta madaxweynaha oo ay ka wada hadleen arrimaha dhameystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo dhaarinta xildhibaannada cusub iyo dhameystirka arrimaha turxaan bixinta u baahan.

Raysal wasaare Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta kulanka fogaan aragga warbixin ku siiyay, halka ay marayso howsha doorashada u diyaar garowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo waliba dadaaladiisa ku aadan xal u helista arrimaha harsan ee la xariira doorashada dalka.

Rooble ayaa sidoo kale u sheegay Musharaxiinta inay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta Xildhibaannada loo dhaqan gelinaayo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoona sheegay in dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka iney dhici doonto 14-ka bishaan April oo ah xilligii loo qorsheeyay.

Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa dhankooda muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dadaalada Raysal wasaaraha ee ku aadan dhammeystirka doorashooyinka, waxayna Musharaxiinta hoosta ka xarriiqeen in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray ee aha in 14-ka bishan la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.

Midowga Musharaxinta ayaa markale ku celiayay taageeradooda go’aankii Xukuumadda ay dalka kaga ceyrisay ergaygii Midowga Afrika Francisco Madiera oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online