4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2022
Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo beeniyay warar laga faafiyay ujeedo ku qarsoon munaasabadda Maalinta 12-ka April
 

Sabti, April, 9, 2022 (HOL) - Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Cabaas Amiin Cali ayaa beeniyay warar maalmahii lasoo dhaafay si weyn loogu dhex faafiyay baraha bulshada ay ku xariirto oo ahaa in munaasabadda 12-ka April ciidamada xoogga dalka ay wadaan ujeedooyin ka duwan u dabaal dega munaasabada.

Taliye Cabaas ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay yihiin kuwa u taagan horumarinta dalka, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka been abuurka ah ee lagu dhex faafiyay baraha bulshada.

"Waxaan cadeyna ineysan jirin wararka lagu faafiyay baraha bulshada iyo magaalada Muqdisho gudaheeda ee ah in ciidanka xoogga dalka ujeedooyin kale ka leeyihiin xaflada loogu dabaaldagayo maalinta 12-ka April oo ku beegan sanad guuradii 62-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidanka xoogga, shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegeyna in ujeedkeenu uu yahay u dabaal dega sanad guuradaasi kaliya"ayuu yiri Taliye ku xigeenka CXDS Janeraal Cabaas Amiin Cali.

Hadalkaan kasoo yeeray Jenaraal Cabaas ayaa kusoo beegmaya xili maalmahii lasoo dhaafay si weyn loo hadal haayay in munaaaabadda 12-ka April ee maalinta ciidanka Xoogga dalka, la qorsheeyay in ciidamada xoogga dalka loo adeegsan doono talaaboyin cusub oo la doonayo in dalka xaalad isbadal ah lagu geliyo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online